Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta dooranaya Guddoonkooda, waxaana Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen u tartamaya afar musharax oo khudbadahooda ka hor-jeediyey Xildhibaanada.
Ismaaciil Cabdi Jimcaale oo ka socda Urur siyaasadeed Sincad, & Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) oo uu ka socda urur siyaasadeedka JSP, ayaa u taagan xilka Gudoomiyayaha halka Cabdulqaadir Axmed Cali uu u sharaxan yahay Kuxigeenka koowaad iyo Mursal Cabdi Aadan ayaa isna u tagan guddoomiye kuxigeenka labaduba waxya ka socdaan JSP, waxaana xusid in qofna uu la tartamayn.
Dad badan ayaa su’aalo iska waydiinaya sababta Gudoomiye kuxigeennada 1-aad iyo 2-aad aysan jirin cid la tartamaysa
HBN ONLINE TV

