DFS oo sheegtay in la dilay xubin Alshabaab kaalin ku lahaa qaraxyadii Soobe, ex Kontrol Afgooye iyo dilal badan

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in duqeymo culus oo ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose khasaare lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab.

NISA ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo loo garan ogyahay Fanax iyo Cali Dheere.

Sidoo kale, Sirdoonka NISA ayaa sheegay in ninkaan uu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay ka mid yihiin qaraxii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, Soobe 2 iyo weerarro kale oo ka dhacay goobo kala duwan oo Muqdisho ku yaalla, kuwaa oo sababay khasaare weyn oo dhimasho, dhaawac, iyo hanti burbrur ah.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamadeeda iyo saaxiibo caalami ah.  Marka laga soo tago sheegashada NISA, ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay duqeynta oo dhacday dabaqaayada toddobaadkii hore.

Muddoonkii ugu dambeeyey waxaa kordhay tirada duqeymaha ay Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamiga ah ay ka fulinayaan gobolada dalka gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin Alshabaab iyo Daacish.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed