Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah maanta yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, saacado kadib markii labada dal & hoggaamiyayaasha Masar iyo Suudaan ay magaalada New Al Calamayn ku ku soo saareen bayaan xasaasi ah oo looga hadlay xaaladda amni ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay isbeddellada gobolka, iyagoo adkeeyay muhiimadda amniga, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka gobolka.
Shirkii afarta dal ee xalay ayaa lagu diiday tallaabooyin hal dhinac ah oo Itoobiya qaado oo waxyeello u geysan kara xuquuqda biyaha Masar iyo Suudaan, iyadoo labada dal ay khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya oo ku saabsan biyo-xireenka weyn.
Sidoo kale, Madaxda ayaa diiday faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, waxayna taageereen madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo hay’adaha dowladda Suudaan, halka isla sidoo kale ay xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo diiday faragelin kasta oo wax u dhimaysa midnimada dhuleed ee dalka, iyo aqoonsi ama taageero loo fidiyo waxa bayaanka loogu yeeray “maamul gaar ah” oo loola jeedo Somaliland.
Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda xorriyadda maraakiibta iyo isu-socodka Badda Cas, iyagoo sheegay in maamulidda badda ay mas’uuliyad gaar ah u tahay dalalka xeebaha leh.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Masar si joogto ah uga soo horjeeddo dadaallada Itoobiya ay ku doonayso marin-badeed ku yaalla Badda Cas, halka khilaafka kale ee gobolka uu ka taagan yahay biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee Nile-ka.
Afarta hoggaamiye ayaa isku raacay in shirarka noocan ah si joogto ah iyo marka loo baahdo loo qabto, si loo xoojiyo wadatashiga iyo isku-duwidda arrimaha gobolka.
HBN Online Tv

