Soomaaliya, Eritrea,  Suudaan & Masar oo kulan ku yeelanaya magaalada Calamayn

Hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Soomaaliya, iyo Suudaan ayaa maanta  ku yeelan doona shir heer sare ah oo afar geesood ah magaalada New Calamayn ee waqooyiga Masar, si ay uga wada hadlaan xaaladaha gobolka iyadoo uu weli socdo dagaalka ka jira waqooyiga Itoobiya, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Anadolu ee Turkiga laga leeyahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Masar ayaa lagu sheegay in shirkan uu qayb ka yahay “wadatashiyo iyo isku-imaatin ku saabsan arrimaha gobolka ee ay wadaagaan dalalkani.”

Shirkan waxaa ka qayb-geli doona Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Kumeel-gaarka ah ee Suudaan Abdel Fattah al-Burhan.

Wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin ajandaha ama qodobada looga hadli doono shirkaas, laakiin Shirkan wuxuu imanaya xilli ay Itoobiya iyo Eritrea horey isugu jareen xiriirkii diblomaasiyadeed, isla markaana ay Masar iyo Itoobiya is-weydaarsadeen tallaabooyin ay diblomaasiyiin ku kala ceyriyeen.

Dagaal ayaa dib u billowday bishii Sebtembar, kaas oo u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo isbahaysi mucaarad ah oo ay hoggaaminayso Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF); dagaalka ayaa ku fiday qaybo ka mid ah koonfurta Tigrayga iyo gobolka dariska la ah ee Cafarta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu ka hadlay shir hordhac ah oo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen xubnaha ka qeybgalaya shirka ayaa sheegay in Masar ay tahay saaxiib si weyn u taageerta Soomaaliya, si gaar ah dhinacyada Milateri iyo taageerada Ciidamada. Wuxuu tilmaamay in amniga Soomaaliya muhiim gaar ah u yahay dalalka gobolka, maadaama ay ku taallo ilin xasaasi ah oo laga sugo ammaanka Badda Cas.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed