Xulka Soomaaliya ee 17-jirada ayaa galabta la shaaciyey inay ka qeybgali doonaan tartanka isreeb-reebka Ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika, kaas oo bisha soo aadan ee October lagu qaban doono dalka Rwanda.
Soomaaliya ayaa lagu daray Group A oo ay kula jira xulalka Sudan, martigaliyaha koobta Rwanda iyo Sudanta Koonfureed. Isreeb-reebka tartanka oo ay ka qeybgalayaan 10 dal ayaa lagu kala qeybiyay 3 group, iyadoo tartanku furmi doono 10-ka October, waxaana la soo gabagabeyn doonaa 19-ka isla bishaas.
Sidoo kale, Saddexda xul ee ugu sarreeya tartanka oo kala ah ku guuleystaha, kaalimaha 2-aad iyo 3-aad, ayaa si toos ah ugu gudbi doona Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirada, kaas oo sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Morocco.
Masuuliyiinta ciyaaraha Soomaaliya ayaa xulka qaranka u rajeeyay guul, iyada oo ciyaartoyda lagu boorriyay inay dadaal muujiyaan si ay u gaaraan natiijo wanaagsan oo dalka u qalanta.
HBN Online Tv

