Garsoore Soomaaliyeed Cuar Cabdullaahi Carrtan ayaa dhacdo cusub oo taariikhi ah qoraya Caawa, kadib markii loo magacaabay inuu garsoore ka noqdo ciyaarta UEFA Super Cup 2026, taas oo ka dhici doonta magaalada Salzburg ee dalka Austria 10-ka habeenimo ee caaawa.
Cartan ayaa markii hore loo doortay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026, waxaana uu noqon lahaa garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliya uga qeyb gala tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka. Hase yeeshee, waxaa loo diiday inuu galo Mareykanka, halkaas oo qaar ka mid ah kulamada Koobka Adduunka lagu qabanayey.
Garsooraha ayaa muddo 11 saacadood ah lagu wareystay garoonka diyaaradaha Miami Airport, kadibna dalka ayaa laga celiyay. Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in go’aanka lagu saleeyay walaacyo la xiriira baaritaanka amniga, inkastoo aan si faahfaahsan loo shaacin xogta sababtay go’aankaas.
Cumar Carrtan oo FIFA ka mid noqday garsoorayaasha caalamiga ah sanadkii 2018-kii ayaa horey u sameeyay taariikho dhowr ah. Wuxuu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee garsoora Koobka Qaramada Afrika 2023, sidoo kale wuxuu noqday kii ugu horreeyay ee Soomaaliya u garsoora finalka CAF Champions League 2025.
Sannadkii 2025 ayaa Cartan loo magacaabay Garsooraha dhanka Ragga Afrika ee Sanadka, taas oo ahayd abaalmarin weyn oo uu ku helay waxqabadkiisa garsoornimo.
Inkasta oo uu waayay fursaddii Koobka Adduunka, Cartan ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn ballaaran. Wuxuu sheegay inuusan ka quusan riyadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dadaalkiisa.
UEFA ayaa maalmo kadib u magacawday inuu garsooro Super Cup-ka Yurub, waxaana uu noqonayaa garsoorihii ugu horreeyay ee aan Yurub kasoo jeedin ee qabta ciyaartan.
Cartan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadda loo siiyay, isagoo xusay in taageerada uu ka helay shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiirrigelisay inuu sii wado shaqadiisa.
“Haddii aan anigu guuleysan karo, qof walba wuu guuleysan karaa. Weligaa ha joojin riyada,” ayuu yiri Cartan, isagoo farriin dhiirrigelin ah u diray garsoorayaasha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Soomaali badan ayaa caawa ku sii qulqulaya magaalada Salzburg ee dalka Austria, halkaas oo lagu qabanayo ciyaarta UEFA Super Cup-ka oo uu garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan dhexdhexaadin doono. Soomaalida ku nool Austria iyo guud ahaan Yurub ayaa si weyn u muujinaya taageerada ay u hayaan garsoore Cartan, iyadoo qaar badan ay si toos ah uga daawan doonaan ciyaarta magaalada Salzburg, halka kuwo kalena ay shaashadaha kala socon doonaan kulanka taariikhiga ah.
Ciyaarta waxaa isaga hor imaanaya kooxaha PSG iyo Aston Villa. Kulanka ayaa ka dhacaya Red Bull Arena ee Salzburg, waxaana magacaabista Cartan loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya iyo qaaradda Afrika. Dhacdadan ayaa sidoo kale fursad u noqotay Soomaalida ku nool Austria iyo dalalka kale ee Yurub.
HBN ONLINE TV

