Ugu yaraan 10 qof ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Alshabaab ay waaberigii saaka tiro hoobiyeyaal ah ku garaaceen xerada ciidamada ee Baraxow oo ku taalla dhinaca koonfureed ee degmada Baardheere. Ciidamada dowladda oo u dhaqaaqay goobta ayaa la sheegay inay la kulmeen weerar gaadmo ah, taasi oo dhalisay dagaal fool ka fool ah.
Ciidamada dowladda ayaa dagaalka ku waayay 7 askari, halka tiro kale oo gaaraysa 4 askari oo dhaawac ah loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dabiibo, sida dad deegaanka ah warbaahinta u xaqiijiyeen.
Xogta aya sheegtay in dagaalka uu sababay khasaarooyin kale oo soo gaaray labada dhinac. Alshabaab ayaa iyagana la sheegay inay dagaalka kaga dhinteen xubno badan. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay goobta ku arkeen maydad ay sheegeen inay ahaayeen xubno ka tirsan Alshabaab, hase yeeshee tirada saxda ah ee khasaaraha kooxda weli si rasmi ah looma xaqiijin.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku socday ku dhowaad saacad, iyadoo iskahorimaadkii ugu xoogga badnaa uu socday ku dhowaad 30 daqiiqo. Ciidamada dowladda ayaa ugu dambeyn la sheegay inay dib u riixeen dagaalyahannadii Alshabaab.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya maalmo kaddib markii uu degmada Baardheere uu gaaray Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya General Sahal Cabdullaahi Cumar.
Xaaladda degmada ayaa hadda lagu soo warramayaa inay deggan tahay, iyadoo weli aysan jirin war rasmi ah oo madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada guud ee khasaaraha labada dhinac.
HBN ONLINE TV

