Soomaaliya oo si caro leh uga hadashay weerarad Xuutiyiinta maanta ku qaadeen Sacuudiga

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay kooxda Ansaarullah ee Xuutiyiinta Yemen, kadib markii ay weerarro maanta ku qaadeen goobo lagu tilmaamay kuwo rayid iyo xarumo dhaqaale oo ku yaalla gobollada koonfureed ee Boqortooyada Sacuudiga.

War saxaafadeed kasoo baxay galinkii dambe ee maanta, Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarradaasi ay yihiin falal gardarro ah oo khatar ku ah amniga & xasilloonida gobolka, iyadoo Xuutiyiinta ugu baaqday inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada noocan ah.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bartilmaameedsiga shacabka & kaabeyaasha rayidka uu yahay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna walaac ka muujisay khatarta sii kordheysa ee amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Dhanka kale, Dowlada ayaa walaac ka muujisay weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga iyo khatarta ku wajahan xorriyadda isu-socodka maraakiibta.

“Dowladda Soomaaliya, oo ah dal xeebeed, ayaa walaac xooggan ka muujinaysa weerarrada joogtada ah ee lagu hayo maraakiibta ganacsiga iyo khatarta ku wajahan xorriyadda isu-socodka maraakiibta, iyadoo ku baaqaysa in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan weerarrada, lana cusboonaysiiyo dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo ka dhasha colaadda Yemen” ayaa lagu yiri warka Dowladad Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, hoggaankeeda iyo shacabkeeda, waxayna tacsi ka dirtay dadkii ku waxyeeloobay weeraradii ugu dambeeyey ee maanta dhacay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed