Waxaa la xaqiijiyey caawa in magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland lagu dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Axmed Yuusuf Haamey, xilli uu ka soo baxay salaadda Maqrib.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dilka ganacsadaha lala xiriirinayo aano-qabiil oo ka taagan gobolka Mudug, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin cidda ka dambeysay falka iyo in la soo qabtay dadkii falkan ka dambeeyey.
Axmed Yuusuf Haamey ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay Mudug, ahaane nabad-doon caawiya dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.
Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhamaadka bishii hore ee August uu gobolka Mudug ka dhacay dagaal la xiriiray aano-qabiil iyo dilal aargoosi ah, kaasi oo saameeyay amniga iyo nabadgelyada bulshada.
Hay’addaha ammaanka Puntland weli kama hadlin dhacdadaan & shaqsiyaadka ka dambeysay dilka iyo tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada maamulka.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

