Wariye maanta u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray dagaal todobaadkii hore Baydhabo ka dhacay

Wariye Bashir Maxamed Cabdullaahi, oo ahaa saxafi da’yar ah, kana tirsanaa warbaahinta Arlaadi oo lahjadda Mayga ku waranta, ayaa ku geeriyooday Baydhabo, kadib dhaawac culus oo rasaas loogu geystay magaaladaasi 3-dii bishaan Sebtembar. Bashir ayaa noqday wariyihii ugu horreeyay ee Soomaaliya lagu dilo sannadkan, sida uu sheegay Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Ururka ayaa sheegay inuu si weyn uga murugooday geerida wariyaha, isagoo tacsi u diray qoyskiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan bahda saxaafadda. NUSOJ wuxuu sheegtay in geerida Bashir ay xusuusin u tahay khataraha ay wariyayaashu kala kulmaan marka ay ka shaqeynayaan goobaha ay ka jiraan iska horimaadyada hubeysan.

Sida ay NUSOJ u sheegtay oo soo xiganaysa wariyayaal deegaanka ah, Bashir wuxuu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Al-Axmaar ee waqooyiga Baydhabo xilli uu dagaal ka socday magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xoogagag daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Wariyaha ayaa markii uu arkay rag hubeysan oo aan la aqoon la xiriiray agaasimihiisa, waxaana lagula taliyay inuu guriga ku nagaado.

Hase yeeshee, Bashir ayaa markii dambe ka baxay guriga si uu u guto waajibaadkiisa saxaafadeed, waxaana jidka ku hor istaagay rag hubeysan oo aan la aqoon, kuwaas oo xirnaa darees ciidan, wajiyadoodana daboolnaa. Raggaasi ayaa laba xabbadood kaga dhuftay dhabarka, waxaana isagoo dhaawac culus qaba loo qaaday Isbitaalka Guud ee Bay, halkaas oo lagu sameeyay qalliin degdeg ah.

Sidoo kale Urarada Warbaahinta ayaa sheegay inay si dhow ula socdeen xaaladda Bashir tan iyo markii uu dhaawacmay, iyadoo la qorsheynayay in maanta loo soo qaado Muqdisho si uu u helo daaweyn. Hase yeeshee, xaaladdiisa ayaa sii xumaatay ka hor inta aan la diyaarin wareejintiisa, waxaana uu u geeriyooday dhaawacyadii rasaasta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed