Dowladda Kenya ayaa maanta bilowday tallaabooyin lagu xaddidayo muwaadiniinta ajaanibta ah ee ka shaqeysta qaar ka mid ah ganacsiyada yaryar ee dalka, gaar ahaan dukaamada yaryar iyo ganacsatada wax ku iibisa waddooyinka.
Tallaabadan ayaa dhalisay walaac iyo dood ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto ganacsatada ajaanibta ah iyo maalgashiga shisheeye ee Kenya, iyada oo dad badan oo Soomaali ah ay saameyn ku yeellan doonto. Soomaalida ku ganacsatada Kenya, si gaar ah kuwo leh goobaha hoose ayaa ka fikaraya halka uu ku dambeyn karaan, maadama ay awalba la daalaa dhacayeen hirarka suuq xumo iyo dhibaatooyinka ku geedaaman.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa 2-dii bishaan Sebtembar ku dhawaaqay in ajaanibta laga doonayo inay ka baxaan ganacsiyada yaryar sida wax-ku-iibinta waddooyinka iyo tafaariiqda yar, isagoo sheegay in fursadahaas mudnaanta la siinayo dadka Kenyaanka ah.
Qorshahan ayaa si gaar ah walaac uga abuuray Soomaalida iyo dadka ka soo jeeda dalalka deriska la ah Kenya, kuwaas oo qayb ka ah ajaanibta ku shaqeysata ganacsiyada yaryar iyo suuqa tafaariiqda.
Sidoo kale, Wararka maanta soo baxay ayaa muujinaya in qaar ka mid ah dadka ajaanibta ah, gaar ahaan dadka Burundi, ay bilaabeen inay ka fikiraan inay dalka ka baxaan sababo la xiriira cabsi iyo hubanti la’aan ka dhalatay amarka dowladda.
Ruto ayaa faray hay’adaha dowladda inay tallaabada bilaabaan 7-da Sebtembar oo maanta ah, iyadoo baarlamaanka Kenya uu ka shaqeynayo hindise-sharciyeedka (Local Content Bill 2025), kaas oo dowladda ay sheegtay inuu xoojinayo fursadaha ganacsi iyo shaqo ee dadka Kenyaanka ah.
Dowladda ayaa sidoo kale qorsheyneysa in dib loo eego shuruudaha iyo ruqsadaha ay ajaanibta ku helaan inay ganacsi ka sameystaan Kenya. Si kastaba ha ahaatee, weli si cad looma qeexin dhammaan noocyada ganacsiyada uu amarku saameynayo iyo tirada ajaanibta laga yaabo inay tallaabadan saameyso.
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Korir Sing’Oei (Sing’ohay), ayaa sheegay in ajaanibta buuxisa shuruudaha sharciga dalka, isla markaana haysata ruqsadaha shaqada iyo ganacsiga ee saxda ah, ay weli sharci ahaan xaq ugu leeyihiin inay dalka ka shaqeystaan.
Dhanka kale, tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato xiriirka ganacsi ee Kenya iyo dalalka gobolka, maadaama ganacsatada ka imanaya dalalka deriska ah ay door ku leeyihiin ganacsiga xuduudaha iyo suuqyada Kenya. Tallaabada Kenya ayaa durba walaac ka abuurtay qaar ka mid ah dowladaha gobolka, iyadoo Burundi ay dalbatay in la ilaaliyo muwaadiniinteeda ku nool Kenya.
Khubarada ayaa sheegay in siyaasaddan ay fursado dheeraad ah u abuuri karto ganacsatada Kenyaanka ah, balse waxay ka digeen in haddii si aan caddayn iyo saadaal lahayn loo dhaqan-geliyo ay dhaawici karto kalsoonida maalgashadayaasha shisheeye, kordhin karto qiimaha badeecooyinka, isla markaana saameyn ku yeelan karto xiriirka Kenya iyo bulshooyinka ajaanibta ah ee dalka ku nool.
HBN ONLINE TV

