Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa bilaabay qorshe dardar-gelinayo, kordhinta jidka Isiolo–Mandheera, kaas oo la soo gaarsiinayo gudaha Soomaaliya, loona qorsheynayo inuu isku xiro Mandheera iyo Muqdisho. Mashruucan ayaa la filayaa inuu noqdo marin muhiim u ah ganacsiga, isku socodka iyo amniga Geeska Afrika.
Qorshahan ayaa soo baxay kadib kulan dhex maray Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Waddooyinka Kenya, Joseph Mbugua. Labada dhinac ayaa isku raacay in la sameeyo guddi farsamo oo si gaar ah uga shaqeeya sidii mashruuca loogu fidin lahaa Soomaaliya.
Sidoo kale, Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla meel dhigay in la qabto kulan heer sare ah oo labada dowladood ah, kaas oo lagu dardargelinayo qorshaha hirgelinta mashruuca. Safiir Jabril ayaa soo dhaweeyay ka mid noqoshada Soomaaliya ee mashruucan oo ay maalgeliso Bangiga Adduunka.
Mashruuca Horumarinta Marinka Geeska Afrika ayaa markii hore diiradda saarayay waddada 740-ka kiiloomitir ah ee isku xirta Isiolo (Isiyoolo) iyo Mandheera. Waxaa ku jira dhismaha waddooyin, kaabeyaasha isgaarsiinta Internet-ka fiber-optic, iyo nidaamyo lagu horumarinayo maamulka xuduudaha iyo ganacsiga.
Bangiga Adduunka ayaa mashruuca hore ugu qoondeeyay boqolaal milyan oo doollar, iyadoo maalgelin dheeraad ah lagu daray sanadkan. Mashruuca ayaa lagu wadaa inuu yareeyo waqtiga safarka, kharashaadka gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo sidoo kale la dhisayo kumannaan kiiloomitir oo kaabayaal fiber-optic ah.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, waddada ayaa si weyn u fududeyn karta isu socodka dadka iyo badeecadaha, kobcinta ganacsiga xuduudaha iyo isku xirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxa kale oo la filayaa inay sare u qaaddo isku xirnaanta gobolka iyo fursadaha dhaqaale ee bulshada ku nool labada dhinac ee xuduudda.
HBN ONLINE TV

