Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal ay Ciidanka Danab ay 4-tii bishaan Sebtembar ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay isugu jireen 5 horjooge iyo 9 ka mid ahaa ilaaladooda. Horjoogayaasha waxaa ka mid ahaa Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar), oo war saxaafadeedka soo baxay lagu sheegtay inuu kooxda uga tirsanaa garsoorka, isla markaana xilka qaadiga Gobolka Gedo hayay.
Sidoo kale, Waxaa ku jiray Cali Nuur Maxamed Idiris oo lagu sheegay horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Gobolka Bay, Xuseen Xasan Daahir (Lahelow) oo dowladda ku sheegtay inuu ahaa amiirka sariyada Gobolka Bay, iyo Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi) oo la tilmaamay inuu mas’uul ka ahaa qaraxyada kooxda ee gobolka. Cumar Xasan Xuseen oo ka tirsanaa qaybta qaraxyada ayaa isna ka mid ahaa horjoogayaasha la dilay.
Dowladdu waxay sheegtay in howlgalka lagu dhaawacay Jacfar Abuu Xamsa oo Alshabaab ay ugu yeerto “Waaliga Gobolka Bay”, iyo Xasan Ibraahim oo lagu carrabaabay inuu ka tirsanaa waaxda lacagaha oo dhanka dowladda ku tilmaanto “baadda iyo lacagaha sharci-darrada ah”.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa howlgalka ku tilmaantay dhabar-jab ku yimid hoggaanka iyo awoodda abaabul ee Alshabaab ee Gobolka Bay. Waxay bayaankeeda ku soo gabagabeeysay in ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgallada qorshaysan ee ka dhanka ah Alshabaab, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda. Dowladda ayaa sheegtay in ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda Alshabaab, lana xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
HBN ONLINE TV

