In Ka Badan 60 Dagaal Yahan oo Ka Tirsan AS oo Lagu Dilay Koofurta Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howgal qorsheysan ay ku dileen in ka badan 60 ka tirsan dagaal yahanada Al shabaab gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe  oo qiyaaastii 30km dhanka koofureed kaga beegan Magaalada Xagardheere ee gobolka  ee Galmudug.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gen Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay  in ay gubeen Gaari TM ah oo ay Al shabaab ka soo buuxiyeen  qaraxyo sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaari  nooca loo yaqaan qooqanta ah, kaas oo lagu soo bandhigay baraha Internet-ka.

Dhanka kale hawlgalkan ayey dowladdu sheegtay in lagu qabtay tiro maxaabiis ah ka tirsan  Al shabaab, Saraakiisha ayaa sheegtay in si wadi doonaan howlgallada dalka looga xorreynayo Xarakada Al shabaab.

Majiraan wax war oo ka soo baxay ilaa hadda dhanka Al shbaab ee ku aadan howlgalka lagu dilay ee Ciidankooda.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in bilaabi donaan howlgalka Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al shabab.

HB News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed