Xiddig asal Soomaali ah oo gaaray, kana ciyaari doono horyaalka Serie A-ga Talyaaniga

Xiddiga da’da yar ee asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda Camaar Fataax ayaa qaaday tallaabo weyn oo taariikhi u ah xirfaddiisa, kadib markii uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Lecce ee ka ciyaarta Serie A-da Talyaaniga.

Fataax, oo 22 jir ah oo waalidkiis ka soo jeedaan Soomaaliya kuna dhashay Sweden ayaa Lecce u saxiixay heshiis soconaya ilaa Juun 2029, iyadoo ay jirto fursad 2sano oo dheeraad ah. Wuxuuna kooxda cusub u xiran doonaa lambarka 7-aad.

Safarka Fataax wuxuu soo maray kooxaha AIK, Troyes, Lommel iyo Willem II, wuxuuna sidoo kale 2024 fursad qaali ah la qaatay Manchester City intii lagu jiray kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Xilli ciyaareedkii hore, Fataax wuxuu wacdaro ka dhigay kooxda Dundee United ee Scotland, isagoo 34 kulan ku dhaliyay 9 gool, 4 kalena caawiyay kooxda inay dhaliso.

Hadda, Fataax wuxuu wajahaya marxaladdii ugu weynayd xirfaddiisa: Serie A — mid ka mid ah horyaallada ugu magaca weyn dunida, isaga oo dhiirrigelin u noqonaya da’yarta Soomaaliyeed ee ku riyoonaysa inay gaaraan heerarka ugu sarreeya kubadda cagta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed