Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in doorashada Guddoomiyaha Golaha la qaban doono 10-ka bishaan Agoosto 2026 oo ku beegan Isniinta dambe, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay jadwalka doorashada iyo shuruudaha looga baahan yahay musharrixiinta u tartamaya xilka.
Sida uu guddigu sheegay, diiwaangelinta musharrixiinta ayaa socon doonta 5-ta illaa 6-da Agoosto, shahaadooyinka musharrixiintana waxaa la bixin doonaa 8-da Agoosto, halka 9-ka Agoosto loo asteeyay diyaar-garowga guddiga iyo jeedinta khudbadaha musharrixiinta. Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u dhici doonta 10-ka Agoosto 2026.
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed u doorteen inuu noqdo guddoomiyaha guddiga doorashada.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in musharrax kasta laga doonayo inuu noqdo xubin Golaha Shacabka ka tirsan, da’diisuna aysan ka yarayn 35 sano, labadiisa waalidna ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Waxaa kale oo shuruudaha ka mid ah inuusan guur kala dhexeyn qof ajnabi ah, isla markaana haddii uu haysto jinsiyad kale uu caddeeyo inuu ka tanaasuli doono haddii la doorto.
Sidoo kale, musharraxiinta waxaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan codsigooda, taariikh nololeedkiisa, nuqulka aqoonsiga xildhibaannimada, laba sawir, caddeynta bixinta lacagta diiwaangelinta iyo warqadda caddaynta hantida oo loo gudbinayo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.
Guddigu wuxuu sidoo kale go’aamiyay in kharashka diiwaangelinta musharraxiinta uu yahay 30,000 oo doolar oo aan dib loo celinayn, halka musharraxiinta dumarka ah laga qaadayo 15,000 oo doolar, lacagahaas oo lagu shubayo koontada Golaha Shacabka ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

