Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada doorashadii dadweynaha ee isku sidkaneyd ee ka dhacday deegaannada Galmudug 30-kii bishii hore ee Luulyo, taasi oo lagu soo dooranayey golayaasha deegaanka iyo wakiiladda.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in doorashada ay si nabad ah ku soo dhammaatay, inkasta oo natiijada ay dhalisay dood iyo dhaliilo uga yimid qaar ka mid ah ururradii siyaasadeed ee tartanka ka qeyb galay.
Wuxuu sheegay in doorashada ay ka qeyb galeen 199,971 ruux oo codbixiyaal ah, iyadoo 191,504 cod ay noqdeen kuwo ansax ah, halka 6,467 cod ay xumaadeen.
Sidoo kale, guddigu wuxuu shaaciyay in la baabi’iyay natiijadii 2 goobood oo codbixineed oo ku yaalla Galmudug, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin sababta keentay go’aankaas.
Doorashada Golaha Deegaanka oo lagu tartamay sida guddigu sheegay 247 kursi, kana qeyb galeen 16 urur siyaasadeed ayaa Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ku guuleystay 115 kursi, halka Towfiiq uu helay 49 kursi.
Ururada kale ayaa sidan soo socota la sheegay inay u kala heleen cododka ansaxay:
Karaama 29 kursi,
Sincad 25 kursi,
Madalsan 10 kursi,
Ramaas 7 kursi,
Saab 4 kursi, iyo
Qiimo Qaran 3 kursi ah.
Dhanka kale, doorashada Golaha Wakiillada oo lagu tartamay 89 kursi kana qeyb galeen 12 urur siyaasadeed, ayaa waxaa ku guuleystay isla JSP oo heshay 63 kursi, halka Towfiiq oo ku xiga uu helay 12 kursi.
Urarada kale ee ku soo baxay Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa ku jira
Sincad 6 kursi,
Karaama 5 kursi,
Madalsan 1 kursi,
Saab 1 kursi, iyo
Ramaas 1 kursi.
Xisbiyada mucaaradka ayaa hore u dhaliilay doorashada, iyagoo ku tilmaamay mid aan habka lagu heshiiyey la baalmaray, aysanna aqbali doonin natiijo ka baxsan xogta xisbi walba u diwaangashan.
HBN ONLINE TV

