Kulan looga hadlaayay Ammaanka Muqdisho oo ay yeesheen hey’addaha Amniga

Kulan looga hadlaayay ammaany magaalada Muqdisho ayaa waxaa yeeshay madaxda hey’addaha amniga kuwaas oo dood dheer iyo falanqeyn kaga hadlau kulankaan oo ah ka soo qeyb galeen laamaha amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.

Madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ayaa si wadajir u amaanay hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  oo ka hadlay kulanka ayaa Saraakiisha iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka faray in ay degaan Degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin, si loo xoojiyo Amniga Magaalada.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Maamulka Gobolka Banaadir uu Caasimadda ka bilaabay hawgallo lagu xaqiijinayo Amniga iyo kuwa lagula dagaalamaya waxbaayaha Maanka Dooriya.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed