Dowladda oo Sheegtay in ay go’an tahay in Amniga Kala Wareegto ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in Ciidankeeda ay la wareegaan guud ahaan Amniga dalka Sannadka soo aadan Sannadka Soo aadan ee 2024, kadib Warar kala duwan oo lagu daabacay baraha Internet-ka kuwaas oo ku saabsan in  howgalla ATMIS waqtiga loo kordhin doono markii uu ka dhammaado Waqtiga.

Lataliyaha Amniga Qarank ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa barta Twitter-ka ku qoray in Ciimada Dowladda Soomaaliya ay loo qorsheeyay in ay qaadaan Masuuliyada ammaanka dalka.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay kala wareegto ATMIS maadaama ay u xilsaartay Qaraarka USNC marka la gaaro 31ka December 2024” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

Si kastaba, Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo Warbaahinta dibadda lagu daabacay warbixinno ku saabsan in Soomaaliya ay Codsatay in muddo kordhin loo sameeyo howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, balse haddalkaas waxaa beeniyay Lataliya Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.

Ciidanka ATMIS ayaa muddo kordhin labo sanno ah loo sameeyay sannakii hore ee 2022 kadib markii uu dhammaaday howgalkii Ciidanka AMISOM waxana la gaarsiiyay December 2024.

HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed