Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukunno ku ridday eedeysanayaal loo haysto dambiyo argagixiso

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday 4 eedeysane oo loo haystay kamid noqoshada Alshabaab iyo ku lug lahaanshaha falal isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan, basaasnimo, tashkiilin iyo fududeynta howlaha kooxda.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, eedeysanayaasha ayaa lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen fulinta weerarro iyo abaabulka falal amni-darro ah, iyadoo 3 kamid ah lagu qabtay walxo qarxa oo lagu qariyay kululeysyada raashinka iyo gasacyada rinjiga. Waxaa kale oo lagu qabtay agab kale oo loo adeegsan jiray diyaarinta qaraxyada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow, ayaa sheegay in dacwadda dib loo furay kaddib markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu helay caddeymo dheeraad ah iyo dhibbaneyaal horay aan loo helin, taasi oo keentay in racfaan laga qaato xukunkii hore ee Maxkamadda Darajada 1-aad.

Go’aanka maxkamadda ayaa lagu xukumay Aweys Cabdalla Cali Kaamiri (Shubka Saciid) iyo Cabdinaasir Cali Axmed (Ikrama) xabsi daa’in.

Sidoo kale, Saciid Xasan Isaaq Rooble (Diiriye) ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah, halka Maxamed Cabdullaahi Cabdulle (Suldaan) lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunnadan ay ka dambeeyeen baaritaanno iyo caddeymo la xiriiray falal argagixiso oo sababay khasaaro naf iyo maal leh, iyadoo xustay in la sii wadi doono la xisaabtanka cid kasta oo ku lug yeelata falalka amniga lidka ku ah.

Maxkamadda sare ayaa 29-ka bishii hore ee Juun ku xukumay Idiris Maxamed Sheekh Maxamed oo lagu naaneysi jiray (Cabaas, Abuu Maxamed), xabsi cimrigaa haku furto ah, kaddib markii lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Alshabaab, isla markaana uu door hoggaamineed ka soo qabtay sida hadalka loo dhigay deegaanno kala duwan oo dalka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed