Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabsi oo dheer ka soo saartay Idiris Maxamed Sheekh Maxamed oo lagu naaneysi jiray (Cabaas, Abuu Maxamed), kaddib markii lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Alshabaab, isla markaana uu door hoggaamineed ka soo qabtay sida hadalka loo dhigay deegaanno kala duwan oo dalka ah.
Sida ay sheegtay Maxkamaddu, Idiris oo ay ku xukuntay xabsi daa’in ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa waxa loogu yeeray Golaha Shuurada ee Alshabaab, isla markaana uu horjooge ka soo noqday degmooyinka Diinsoor, Berdaale, Baydhabo ee gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa abaabul iyo shirqoollo ka dhan ah shacab Soomaaliyeed.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Idiris ku qabtay 6-dii Agoosto 2024 deegaanka Mareerguur ee gobolka Galgaduud, xilli uu isku dayayay inuu u gudbo gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka, kala sida bayaanka Maxkamadda ku cad. Baaritaan dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa maxkamadda horgeeyay dacwaddiisa.
Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 4-tii Diseembar 2025 ku xukuntay Idiris 15 sano oo xabsi ah, balse Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay go’aankaas. Markii ay Maxkamadda Sare dhageysatay dacwadda, isla markaana ay fursad siisay labada dhinac, waxay ugu dambeyn ku ridday xukun xabsi daa’in ah (cimrigaa haku furto), sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow.
Dowladad Soomaaliya ayaa muddoonkii dambe waday qorshe si adag xukunno loogu ridayo xubno badan oo Alshabaab laga qabtay, halka qaarkood lagu dilal rayid, masuuliyiin dowladeed, taasi oo sababtay in badi uu ku xukun dil toogasho ah.
HBN ONLINE TV

