Xisbiga Kaah oo sheegay in aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland uusan ahayn mid buuxa

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah Somaliland ee Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, xilli ay weli taagan yihiin doodaha siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumadda dhexe ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Wuxuu sheegay in aqoonsiga hada ay siisay Israa’iil aanu ahayn mid buuxa oo Somaliland heshay, isla markaana loo baahan yahay in si dhab ah loo fahmo heerka uu gaarsiisan yahay.

Maxamuud Xaashi wuxuu adag oo u sheegay in Somaliland ku qaldan tahay safaaradda ay ka furtay magaalada Qudus, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay ka hor imanayso dastuurka iyo diinta Islaamka, ayna hor ka weyn tahay arinteedu mabda’ carbeed.

“Qadiyadda Quddus ma aha qadiyad Carbeed ama Falastiin leedahay; waa qadiyad Islaam. Waad khaldan tahay, Cirroow. Madaxweyne Cirroow ka badheedh in aad ka tanaasushay ilaalinta muqaddasaadka Islaamka” ayuu yiri Maxamuud Xaashi.

Guddoomiyaha Kaah wuxuu sheegay in aqoonsiga buuxa uu yahay marka dal uu helo aqoonsiga dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay isla markaana kursi laga siiyo ururka. Wuxuu ku dooday in xukuumadda xisbiga Madaxweyne Cirro ay u dhaqmeyso sidii iyadoo Somaliland heshay aqoonsi buuxa, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

“Anagu [Kaah] Waxaan u aragnaa Ictiraafka aynu helnay in aanu ahayn aqoonsi buuxa. Ictiraafka buuxa waxaa la yiraahdaa marka Qaramada Midoobey Qowmiyadaha iyo dalalka ku jira dhamaan ku soo aqoonsadaan ee kursi lagaa siiyo. Xukuumadda Xisbiga Wadani Waxay u dhaqmaysaa inay Somaliland heshay kursi aqoonsi buux ah, waa nasiib darro arinkaasi. Waa aragti sabool ah” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Somaliland ayuu sheegay Maxamuud Xaashi in weli ay horyaallaan caqabado culus oo diblomaasiyadeed oo ballaaran, isagoo carrababay in loo baahan yahay in la qanciyo dhammaan 195-ka dowladood ee caalamka si loo gaaro aqoonsi buuxa.

Hadaladiisa ayaa waxaa ka horeeyey kan madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo si kulul u dhaliilay xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan furitaanka safaaradda Quddus. Wuxuu ku dooday in safaaraddooda laga furay Galbeedka Quddus oo uu ku tilmaamay dhul ay dalal badan oo Carbeed u aqoonsan yihiin Israa’iil, isagoo ugu baaqay inay si cad u sheegaan inay diidan yihiin sida uu hadalka u dhigay aqoonsiga Somaliland.

Horay, Xisbiga Kaah ayaa sheegay in uusan aqbali doonin in raadinta aqoonsiga Somaliland lagu saleeyo arrimo masiiri ah oo dunida Islaamka dhexyaala, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda inay si hufan u soo bandhigto heshiisyada ay la gashay Israa’iil.

Doodda ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u soo xoogeysatay, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ay ka qabaan bulshada, kuna aadan nuuca heshiisyada xukuumadda Somaliland la soo gashay Israa’iil oo qaarkood u fasireen kuwo qarsoodi ah, maadama an wax faahfaahin ah laga heyn, ayna sababi karaan jaha wareer siyaasadeed oo dhexda u gala siyaasaddaha isdiidan ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed