Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa si caro ay ka muuqato uga jawaabay dhaliilaha mucaaradka maamulkiisa ee la xiriira furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Quddus ee dhulka loo aqoonsan yahay in Israa’iil xoogga ku haysato.
Wuxuu ku dooday in safaaraddooda laga furay Galbeedka Quddus oo uu ku tilmaamay dhul ay dalal badan oo Carbeed u aqoonsan yihiin Israa’iil, isagoo shacabka ugu baaqay inaan lagu marin habaabin arrintaas, sida uu hadalka u dhigay.
Cirro ayaa sheegay in isaga iyo xukuumaddiisu ay aaminsan yihiin xaqa ay shucuubta oo dhan u leeyihiin aaya-ka-tashiga, oo uu ku jiro shacabka Falastiin. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si jeesjees u eg ugu dooday in aan isaga loo dooran inuu ka hadlo arrimaha Falastiin, balse loo doortay inuu difaaco danaha iyo masiirka Somaliland.
“Safaaradda waxaan ka furnay galbeedka Qudus oo ah dhulka dhammaan dalalka Carabtu u aqoonsan yihiin inuu yahay dhul Israa’iil, marka dad yaa waxaan jirirn lagu qaldin. Aniga shaqsiyan iyo xukuumaddayduba waxay aaminsan yihiin in dhamaan shucuubtu xaq u leeyihiin aaya ka talintooda oo ay ku jirto shacbiga Falastiin, Laakiin aniga iima aadnaan dooran inaan Falastiin u hadlo, Miyaa ii doorateen? Waxaa ii doorateen inaan ka hadlo arimaha Somaliland. Falastiin kama aanan hor imaan marna” ayuu yiri madaxweyne Cirro.
Sidoo kale, Cirro ayaa si kulul u dhaliilay xisbiyada mucaaradka ee sheegay inay taageersan yihiin aqoonsiga Somaliland balse ay ka soo horjeedaan furitaanka safaaradda Quddus. Wuxuu ku tilmaamay mowqifkaas mid is burinaya, isagoo ugu baaqay inay si cad u sheegaan inay diidan yihiin sida uu hadalka u dhigay aqoonsiga Somaliland.
“Xisbiyada leh aqoonsiga Somaliland aan ogolahay, laakiin in Qudus safaarad laga furo ma ogoli—wuxuu ka dhigan yahay nin yiri ‘baqtiga ma cuno, laakiin fuudkiisaan cabaa’, taas socon mayso’e waxaa tiraahdaa Ictiraafkaan ka soo horjeedaa, Bareer!—Shacbiga u sheeg!—Inaad ka soo horjeedo, Xiniyo yeelo” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii shalay xisbiga mucaaradka ah ee Kaah uu qaadacay furitaanka safaaradda Somaliland ee Quddus. Xisbiga ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuusan aqbali doonin in raadinta aqoonsiga Somaliland lagu saleeyo arrimo masiiri ah oo dunida Islaamka dhexyaala, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda inay si hufan u soo bandhigto heshiisyada ay la gashay Israa’iil.
Doodda ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u soo xoogeysatay, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ay ka qabaan bulshada, kuna aadan nuuca heshiisyada xukuumadda Somaliland la soo gashay Israa’iil oo qaarkood u fasireen kuwo qarsoodi ah, maadama an wax faahfaahin ah laga heyn, ayna sababi karaan jaha wareer siyaasadeed oo dhexda u gaka siyaasaddaha isdiidan ee gobolka.
HBN ONLINE TV

