Shir Seddex Geesood ah oo u Soo dhammaaday Soomaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkii saddex geesoodka ah oo ay yeesheen madaxda dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa ku soo idlaaday dalka Itoobiya oo uu kulaankaani ka dhacay.

Waxaana looga wada hadlay arrimo muhiim u ah oo xasaasi ah sida amniga, ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashiga ee Seddexda dhinac ay yeelan karaan.

Sidoo kale waxaa la isla meel dhigay Wax-is-waydaarsi ama wax-is-dhaafi, kullaankaan ayaa haa mid ku dhisan shucuur iskaashi iyo dadaal wadajir ah oo cid walba looga faa’iidaysto sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka Villa Somalia.

Sidoo kale kullankaan ayaa looga hadlay Muhiimada uu leeyahay dagaalka Al shabaab oo ay waddo dowladda Soomaaliya, sidii la iskaga kaashan lahaa si wadajir ah guud ahaan Gobolka guulna looga gaari lahaa bar-dhammaadka Al shabaab.

Si kasataba Dowladaha Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa kamid ah kuwa taageero Soomaaliya Millatari ahaan iyo dhaqaalo ahaan.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed