Ajaanib ku eedeysan ka mid ahaanshiyaha Alshabaab oo Maxkamad la soo taagay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa la horkeenay laba nin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Labadan eedeysane ayaa la sheegay in ciidamada sirdoonka Soomaaliya ay ku soo qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horgeeyay eedeymo la xiriira dagaallo la sheegay inay ka qeyb galeen, tababaro ay qaateen iyo qaabkii ay ku soo galeen dalka Soomaaliya.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Xamsa Ibraahim Cali (Abuu Irshaad) iyo Nasri Cabdiraxmaan Cali (Abuu Safiya), kuwaas oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Harar ee dalka Itoobiya.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa dalbatay in lagu rido xukun ku habboon labada eedeysane, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay ka hortag u noqon karto dadka kale ee ku biiraya Alshabaab, isla markaana lagu ilaalin karo amniga guud ee dalka.

Dhanka kale, qareenka difaacaya labada nin ayaa ku dooday inaysan jirin caddeymo ku filan oo taageeraya eedeymaha loo jeediyay, wuxuuna maxkamadda ka codsaday in dib loogu celiyo dalkooda Itoobiya si ay ula midoobaan qoysaskooda.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay inay go’aan ka gaari doonto dacwadda labada eedeysane kaddib marka ay soo dhameystirto dhageysiga doodaha xeer ilaalinta iyo dhinaca difaaca, iyadoo natiijada go’aanka dib laga shaacin doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed