War saxafaadeed uu soo saaray Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa walaac xooggan uu ka muujiyay in wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho ay ku soo dhammaadeen iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ay si dhow ula socdeen wada-hadallada, isla markaana ay ka walaacsan yihiin in aan la gaarin is-afgarad, inkastoo ay labada dhinac muujiyeen diyaar u ahaansho wada-hadal.
Sidoo kale, Waxa ay bogaadiyeen ka qaybgalka DFS oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka mucaaradka, kuwaas oo muujiyay rabitaan wada-hadal loo dhan yahay.
Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan kala aragti duwanaanshaha sii kordhaya, ayna dib ugu laabtaan wada-hadal dhab ah oo ku saleysan is-afgarad, tanaasul iyo dastuurka dalka.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, isagoo sidoo kale ammaanay doorka saaxiibbada caalamiga ah ee ka shaqeeya fududeynta wada-hadallada.
HBN ONLINE TV

