Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dilka 6 qof oo rayid ah oo lagu eedeeyey ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Jubbaland inay ka geysteen tuulo lagu magacaabo Cumar Jilacow oo ku taalla inta u dhexeysa Mandheera iyo Arabia ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, dhacdadaas oo dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn ballaaran.
Dadkan ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerar xilli ay u socdeen howl-diimeed ka dhacaysay deegaanka Cumar Jilacow, iyadoo dhacdada lagu tilmaamay mid murugo leh oo aan la aqbali karin.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa si adag u cambaareeyay dilka dadka rayidka ah, isagoo tacsi u diray qoysaska ay dhibaatadu saameysay, isla markaana sheegay in “arrintaas aan la aqbali karin.”
Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee magaalada Mandheera ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay muddo 72 saacadood gudahood ah uga saarto ciidamada Jubbaland ee ku sugan gudaha xadka, iyagoo sheegay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin ay qaadi doonaan tallaabooyin kale.
Galinkii dambe ee maanta ayaa bannaanbaxyo ka dhacay qeybo kamid ah Mandheera lagu dalbaday in ciidamada Jubbaland laga saaro deegaanka, iyadoo shacabka ay ka cabanayaan xaalado amni iyo mid nololeed oo sii xumaanaya.
Qaar kamid ah masuuliyiinta deegaanka oo sheegay in ciidamadan ku sugnaayeen deegaanka muddo 10 bilood ah ayaa ku andacooday in shacabka Mandheera ay horey ula daalaa dhacayeen biyo la’aan, koronto yari iyo takoor, halka joogitaanka ciidamadaasi lagu eedeeyey inuu sii kordhiyay cabashada bulshada.
“Carruurtii dugsiyada ma awoodaan inay wax bartaan, haweenkiina si xor ah uma socon karaan, ganacsatadiina waa la dhacay,” ayay tiri mid kamid ah masuuliyiinta deegaanka.
Waxaa la rumeysan yahay in ciidamo ka tirsan Jubbaland ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka gudbeen dhammaadkii bishii July 2025, kadib dagaal ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Ilaa hadda, maamulka Jubbaland kama uusan jawaabin eedeymaha loo jeediyey ee la xiriira dhacdooyinkan ay dadka rayidka ah ku dhigeen.
HBN ONLINE TV

