Midowga Afrika oo si adag uga hadlay go’aanka Israa’iil Safiir cusub ugu magacowday Somaliland

Midowga Afrika ayaa si kulul u diiday tallaabada la sheegay in Israa’iil ay Safiir diblomaasiyadeed ugu magacowday Somaliland, isagoo ku tilmaamay arrin khatar ku ah midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu muujiyay walaac weyn, iyadoo si adag loo cambaareeyay go’aanka Israa’iil. Guddigu wuxuu Israa’iil ugu baaqay inay ixtiraamto madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa mar kale caddeeyay inuusan aqoonsanayn Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, isagoo xusay in mowqifkiisu ku saleysan yahay Axdiga Aasaaska ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in isaga oo tixraacaya war-murtiyeedkii Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee 6-da Janaayo 2026, kaas oo lagu sheegay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo loo sameeyo Somaliland uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana khatar gelin kara xasilloonida gobolka.

Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa xusay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowlad-dhiska iyo mideynta qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed