Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay markii 6-aad oo xariir ah Doorashada Jabuuti

 

Madaxweynaha muddada dheer ee dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee dalka oo jicmihii shalay la qabtay, isagoo helay guul aad u weyn oo u sahashay inuu bilaabo muddo xileedkiisii 6-aad oo xiriir ah ee hoggaaminta dalkan ku yaalla Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay natiijooyinka rasmiga ah ee ay daabacday wakaaladda wararka ee dowladda Jabuuti, Geelle ayaa helay 97.81% codadkii la dhiibtay doorashadii shalay ee 10-ka Abriil 2026. Musharraxa keliya ee la tartamayay, Maxamed Faarax Samatar ayaa helay 2.19% oo keliya.

Samatar oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Unified Democratic Centre (CDU) ayaan lahayn wax kursi ah oo uu ku leeyahay baarlamaanka, wuxuuna la kulmay caqabado dhanka aqoonsiga iyo abaabulka ah kahor doorashada, taasi oo hoos u dhigtay fursadihiisa tartanka.

Madaxweyne Geelle oo 78 jir ah, ayaa si degdeg ah ugu dabaaldegay guushiisa, isagoo ku qoray bartiihiisa Bulshada ereyga “Dib ayaa la ii doortay” markii ay soo baxayeen natiijooyinkii hordhaca ahaa.

Sanadkii hore, siyaasiyiinta dalka ayaa meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta madaxweynaha, taasoo u oggolaatay Geelle inuu mar kale isu soo taago xilka muddo 5 sano ah.

Warbaahinta gudaha Jabuuti ayaa sheegtay in heerka ka qaybgalka codbixiyeyaasha uu gaaray 80.4%, iyadoo ku dhowaad rubuc ka mid ah shacabka dalka – qiyaastii 256,000 oo qof – ay isdiiwaangeliyeen si ay u codeeyaan.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa talada dalka hayay tan iyo 1999-kii, isagoo hoggaaminaya dal ay ku nool yihiin tiro hadda madaxa kala baxday 1 milyan oo qof. Guushiisa doorashadan ayaa sii xoojinaysa joogitaankiisa siyaasadeed iyo saamaynta uu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed