Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee wax-ka-beddelka golaha wasiirrada maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee wax-ka-beddelka golaha wasiirrada, kadib markii uu magacaabay Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha maamulkaasi, talaabo loo fasiray mid meesha ka saaraysa awoodii xil hayn ee golahii jiray ee Koonfur galbeed.

Wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska hoggaamiyaha, kuna taariikheysan 8-da bishaan Abriil 2026, ayaa lagu magacaabay Maxamed Xuseen Xasan (John) inuu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed.

Magacaabistan ayaa la sheegay inay ku saleysan tahay dastuurka maamulka, iyadoo la tixgeliyey baahida loo qabo sida wareegtada lagu sheegay dardargelinta howlaha maamulka iyo muhiimadda golaha wasiirrada.

Maxamed Xuseen ayaa ka mid ahaa xubnihii isbeddel-doonka ahaa ee Baydhabo ka abaabulay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed.

Dhanka kale, xilkan ayaa waxaa weyn doona Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ahaa wasiirkii jagadan ku fadhiyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed