Xildhibaano mar kale laga hor istaagay safar ay ku tegi lahaayeen Garoowe

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo sheegay in shalay loo diiday inay u safraan magaalada Garoowe ayaa saaka mar kale lagu soo warramayaa in laga hor istaagay inay ka baxaan Muqdisho.

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada nabad-sugidda ee ka howlgala garoonka ay xildhibaanada u sheegeen inaysan bixi karin, maadaama aysan haysan fasax ka yimid guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanadaasi ayaa doonayay inay saaka raacaan diyaarad u socotay Garoowe, balse ugu dambeyn waxaa la sheegay inay banaanka uga soo baxeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Arrintan ayaa daba socota dhacdo shalay galinkii dambe ka dhacday Garoowe, kaddib markii diyaarad sidday tiro xildhibaano ah oo laga soo doortay Puntland dib looga soo celiyay halkaas. Xildhibaanada ayaa Garoowe waxaa uga yeeray xukuumadda madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Mas’uuliyiinta saarnaa diyaaradda ayaa la sheegay inay ka caroodeen tallaabada lagu soo celiyay, isla markaana ay muddo diideen inay ka degaan diyaaradda, taasoo keentay inay ku afuraan gudaha garoonka Aadan Cadde, iyagoo muujinaya cabasho ku aaddan xayiraadda lagu sameeyay safarkooda. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma caddeyn sababta buuxda ee ka dambeysa diidmada socdaalkooda.

Dhanka kale, Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku kacday waxa ay ku tilmaantay “af-duub diyaaradeed”, kaddib markii diyaarad rayid ah oo siday xildhibaano federaal ah la sheegay in laga soo celiyay hawada. Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in diyaaradda, oo qorshuhu ahaa inay ku degto Garoowe, lagu qasbay inay dib ugu laabato Muqdisho 1-dii Maarso.

Geesta kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhammaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ay u socdaan si caadi ah. Hay’addu waxay meesha ka saartay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in jadwalka duulimaadyadu isbeddel ku yimid, iyadoo xustay in dhammaan adeegyada duulista rayidka ay si joogto ah uga socdaan garoomada dalka.

Bayaanka hay’adda ayaa lagu caddeeyay in duulimaadyadii maanta, 2-da Maarso 2026, ay u socdaan sidii loo qorsheeyay, isla markaana aysan jirin wax carqalad ah oo saameyn ku yeeshay diyaaradaha ka baxaya ama imanaya garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed