Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaalka iyo xiisadda ka taagan gobolka Bariga Dhexe, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay is-xakameyn degdeg ah iyo in la bilaabo dadaallo lagu dejinayo xiisadda. Waxa uu Mareykanka, Israa’iil iyo Iran ugu baaqay inay muujiyaan dulqaad oo ay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara colaadda.
Bayaan ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in guddoomiyuhu ku baaqay is-xakameyn, dejin degdeg ah oo xiisadda ah iyo wada-hadal joogto ah, isaga oo adkeeyay in dhammaan dhinacyadu ay si buuxda ugu dhaqmaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga caalamka.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ka digay in kacsanaan dheeraad ahi ee xiisaddan taagan ay halis ku tahay xasilloonida caalamka, isla markaana ay yeelan karto saameyn culus oo ku saabsan suuqyada tamarta, sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhaqaalaha, gaar ahaan qaaradda Afrika oo durba wajahaysa caqabado colaadeed iyo cadaadisyo dhaqaale.
Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay mudnaanta siiyaan dadaallada diblomaasiyadeed, oo ay ku jiraan dadaallada dhex-dhexaadinta caalamiga ah ee ay fududeysay Saldanadda Cumaan, si looga hortago xaalad ka sii daraysa loona ilaaliyo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerarka.
HBN ONLINE TV

