Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in laamaha ammaanka dalka ay xoogga saareen la dagaalanka kooxda Alshabaab iyo ka hortagga qaadistooda lacagaha dadka shacabka iyo ganacsatada, iyada oo adeegsanayo xeelado kala duwan oo dagaal.
Fartaag ayaa uga digay ganacsatada bixiya lacagaha Alshabaab, isagoo amray ciidamada ammaanka in ay soo qabtaan cid kasta oo ka hor timaada amarka. Waxa uu caddeeyay in ganacsadihii lagu helo in uu taageero kooxda ay tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Sidoo kale, Waxa uu shaaciyay magacyada saddex xubnood oo goobo kala duwan lagu dilay kaddib markii lagu beegsaday howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, waxaana uu ku eedeeyay in ay dadka handadayeen si ay uga qaadaan dhaqaalaha ay ka doonayaan sida uu yiri.
“Todobaadyadii u dambeeyay waxaa la dilay horjoogayaal qaabilsanaa cagajuglaynta Dadka Soomaaliyeed ee baadda laga qaadayay, waxaana kamid ah Cabdullaahi Wadaad, Maxamed Dhubad Xiddig & Maxamed Sahal Iidle oo la beegsaday” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Amniga XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay in uu weli socdo howlgallada ka dhanka ah Alshabaab & Daacish ee ka kooban saddexda dhinac ee kala ah dagaalka Militariga, kan fikirka & dhaqaalaha sida ay hadalka u dhigtay.
HBN ONLINE TV

