Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dunida u soo jeediyay qorshe ay Qaaradda Afrika ku heli karto kursi joogto ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha, oo ka qeyb galay shirar heerar kala duwan ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay iyo kulammo doceedyo muhiim ah oo ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, kuwaas oo ka dhacay Addis Ababa, ayaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday, loollan siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn ballaaran oo lagu waafajinayo nidaamka Qaramada Midoobay duruufaha caalamiga ah ee maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka hay’adda iyo kalsoonida lagu qabo.
Waxa uu xusay in Afrika ay door muuqda ka qaadato ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalal badan oo ka tirsan qaaraddu ay hormuud ka yihiin hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne XasanSheekh wuxuu tilmaamay in Afrika ay weli ka maqan tahay matalaad joogto ah oo Golaha Ammaanka ah, arrintaas oo u baahan dib-u-eegis degdeg ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay midnimo Afrikaan ah iyo diblomaasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.
Hadalkiisa wuxu ku soo aadayaa, iyada oo Xoghayaha Joogtada ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay furitaanka Shirka Midowga Afrika oo ka dhacay dalka Itoobiya ayaa si adag uga hadlay ka maqnaanshaha Qaaraddaan ee Kuraasta joogtada ee Golahaas ammaanka.
Guterres ayaa carrabka ku dhuftay in mar weliba oo go’aamada Afrika laga gaarayo ama waxyaabaha muhiimka ah looga hadlayo miiska la soo dhigo iyada aanay fadhin balse hadda kaddib loo baahan yahay in arrintaas dib loogu laabto, xili uu hoosta ka xariiqay in waqtigaan la joogo ay dunida horumartay isaga oo afqabsaday in aan la joojin 1946dii oo inta badan Qaaraddaan ku jirtay Gacan gumaysi balse maanta oo xor ay yihiin Dalalkeeda loo baahan yahay in ay cod joogta ah ku yeelato Golaha Ammaanka.
5 Dal ee Kuraasta Joogtada ah ee Golaha Ammaanka isku gooni yeelay ayaa kala ah Maraykanka, oo metala Ameerika, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska oo Yurub ah iyo dalka 5aad oo ah Shiinaha oo Qaaradda Aasiya metala, Afrika kuma lahan kuraas joogta ah golahaas.
HBN ONLINE TV

