Dawladda Turkiga ayaa soo ambabbixisay maanta markabka weyn ee casriga ah ee loogu talagalay qodista saliidda ee lagu magacaabo Çağrı Bey, kaas oo ku soo jeeda biyaha Soomaaliya si uu halkan uga bilaabo howlgal lagu baarayo kheyraadka saliidda.
Markabkan ayaa maanta ka soo kicitimay dekedda Taşucu ee gobolka Mersin ee koonfurta dalka Turkiga, waxaana munaasabadda sagootinta ka qayb galay wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Maareeyaha Hay’adda Batroolka iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.
Wasiir Daahir Shire oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ceelkii ugu horreeyay ee markabku ka qodayo Soomaaliya loo bixiyay “Curad-1”, isaga oo tilmaamay in Çağrı Bey uu yahay markabkii ugu horreeyay ee qodis ah oo ay dawladda Turkigu u dirto meel ka baxsan biyahooda, taas oo uu ku sifeeyay tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadaysa iskaashiga labada dal.
Wuxuu intaas ku daray in markabku uu mari doono jid dheer oo ku dhowaad 45 maalmood ah, isagoo u soo dambayn doona dhanka Badweynta Atlantic-ga iyo xeebaha galbeed ee Afrika halkii uu mari lahaa marinka Suez, ilaa uu ugu dambayn ka soo gaaro dekedda Muqdisho.
Sidoo kale, Wasiir Bayraktar oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah ee ka dhacdya magaalada Mersin, ayuu sheegay in ceelka “Curad-1”, la doortay bishii Abriil, isla markaana loo asteeyay goobtii ugu horreysay ee qodista Turkiga ee dalka.
“Markabka qodista #CagriBey, bishii Abriil ayaan u bixinnay Curad 1, taas oo Af-Soomaali ahaan ah magaca la siiyo ilmaha ugu horreeya ee dhasha. Sidoo kale magacan ayaan u bixinnay ceelkeennii ugu horreeyay ee halkaas ku yaalla,” ayuu yiri Bayraktar.
Wasiirka Tamarta Turkiga ayaa rajo muujiyay in sannadka 2026 uu noqon doono sannad guulo laga gaaro daah-furka kheyraadka saliidda iyo gaaska, isagoo xusay in Turkigu uu ka go’an yahay inuu ballaariyo baaritaannada tamarta ee uu ka samaynayo gudaha dalkiisa iyo dibaddaba.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu horay biyaha Soomaaliya baaritaanno dhanka seismic-ga ah uga soo sameeyay markabka Oruç Reis.
HBN ONLINE TV

