Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM, oo ah habraac uu aas-aasay Midowga Afrika si dalalka xubnaha ah ay isu qiimeeyaan, isula xisaabtamaan, isla markaana u horumariyaan maamul wanaagga, hufnaanta iyo tayada hay’adahooda dowladeed.
Ku biiristan ayaa lagu xaqiijiyay intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowladaha ee APRM, halkaas oo madaxweynuhu ku saxiixay Heshiiska Is-afgaradka ku biirista.
APRM ma aha hannaan kormeer dibadeed oo lagu farageliyo dalalka, balse waa nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul si loo ogaado meelaha horumar laga sameeyay iyo meelaha u baahan dib u habayn iyo tayeyn. Tani waxay kor u qaadaysaa isla xisaabtan, wadaagis khibradeed, iyo isbarbardhig wax ku ool ah oo u dhexeeya dalalka Afrika.
APRM ma aha hannaan kormeer dibadda ah oo lagu soo rogay waddamada. Hase yeeshe, waa is-qiimeyn iyo hannaan dib-u-eegis ah oo ay dowladuhu si iskood ah ugu gudbiyaan siyaasadahooda, hay’adahooda, iyo nidaamyada maamul si loo qiimeeyo.
HBN ONLINE TV

