Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka golaha midowga Afrika si adag kaga hadlay go’aanka Soomaaliya faragalinta dibadda

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, oo ku sugan Magaalada Addis Ababa, kana qeyb galay furitaanka kalfadhiga 39aad ee Shirka Caadiga ah ee Golaha Madaxweynayaasha iyo Dowladaha Midowga Afrika ayaa intii uu khudbaddiisa ka jeedinayay wuxuu si weyn isu dul taagay ajandaha isbeddelka ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay dhowr qodob oo ay ku jiraan doorashooyinka iyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa mar kale golaha ka dhex sheegay go’aanka adag ee Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, kuwaas oo ka mid ah mabaadi’da aasaaska u ah Midowga Afrika.

Waxa uu sheegay in “falcelinta adag ee mideysan ee Midowga Afrika ay muujinayso go’aanka Afrika ee ku aaddan dhowrista sharciga caalamiga ah iyo diidmada tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay u muujiyeen Soomaaliya, kadib markii loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (PSC) muddada 2026 illaa 2028.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed