Xildhibaanada laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka oo soo saaray go’aamo culus

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa horay looga mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada rasmiga ah ayaa maanta ku dhawaaqay inay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay, iyaga oo isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah.”

Iyaga oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho qaar kamid ah ayey sheegeen in fadhigooda 1-aad ay kaga doodeen, sida ay hadalka u dhigeen “sharci-darrada maanta ay ku fadhiyaan golaha shacabka ee Baarlamaanka ku kulansan.” Waxay sidoo kale dhaliilo adag u jeediyeen hoggaanka Baarlamaanka, iyaga oo ku eedeeyay habraac ka baxsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka.

Kulankan ayaa imanaya xilli uu weli Baarlamaanka si rasmi ah uga doodayo wax ka beddelka Dastuurka, dooddaas oo haatan gaartay illaa cutubka 5-aad, isla markaana ay maanta ka shireen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhanka kale, ismari-waa siyaasadeed ayaa weli ka dhextaagan xildhibaanada labada Aqal oo u kala jabay mucaarad iyo muxaafad, iyada oo si weyn looga dareemayo doodaha iyo kulamada golaha dhexdiisa muranka dheeraadka ah ee jira.

Tani waxay ku soo aadaysaa, iyada oo la ogeyn rasmiga ah ee uu furmayo shirkii la filayay inay yeeshaan Madaxda Dowladda dhexe iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo la loo arko inuu gacan ka geysan karo dejinta khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed