Maxay uga hadleen kulankooda Madaxweynihii hore Faraamjo & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland?

Xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shaaciyay in uu kulan salaan iyo is-xog wareysi ah uu kula yeeshay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka oo ka dhacay hotelka ay hoggaamiyeyaashu ka degan yihiin caasimadda ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baahida loo qabo wada-tashi dhab ah si looga gudbo caqabadaha jira. Farmaajo ayaa soo dhaweeyay imaanshaha labada madaxweyne ee Muqdisho, isaga oo ku dhiirrigeliyay dadaallada lagu gaari karo heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadin karo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo qalalaasaha amni.

Qoraalka ka soo baxay xafiiskiisa ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay labada madaxweyne niyad wanaagga ay muujiyeen iyo rabitaankooda xal waara. Farmaajo wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu muujiyo tanaasul iyo hoggaan lagu xallin karo ismari-waaga jira, si looga hortago firaaq dastuuri ah.

Ugu dambeyn, waxaa lagu baaqay in khilaafaadka siyaasadeed aysan ka mashquulin gurmadka abaaraha saameeyay shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed