Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee ay siisay Somaliland uu khatar weyn ku yahay madaxbannaanida dalka iyo xasilloonida gobolka, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ka hortagayso isku day kasta ooo ku xadgudbaya midnimada qaranka.
Xasan Shiikh wuxuu tilmaamay in tallaabada ugu horeysa ee dowladdiisu tahay olole diblomaasiyadeed oo caalami ah, iyadoo la marayo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo xusay in Soomaaliya horey ugu guuleysatay in Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay looga hadlo xadgudubka Israa’iil.
Tallaabada labaad waxay tahay isku xirka iyo mideynta mowqifka dalalka Carabta, Islaamka, iyo Afrika si hal meel looga hortago isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo Soomaaliya.
Qorshaha saddexaad ee Madaxweyne Xasan sheegay ayaa ah in la xoojiyo wadahadalka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, si xal looga gaaro arrimaha gudaha iyadoo la dhowrayo qarannimada iyo midnimada dalka.
Madaxweynaha wuxuu ka digay in aqoonsigu uu ujeedkiisu ka fog yahay oo uu raadinayo saldhig istiraatiiji ah oo saameeya marinka Bab al-Mandeb iyo amniga Badda Cas, taasoo khatar ku ah ganacsiga caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale bogaadiyey xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, gaar ahaan go’aankii Golaha Wasiirada ee Sacuudiga ee lagu diiday isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

