Somaliland oo xabsiga dhigtay ku dhowaad 10 masuul oo loo haysto lunsi hanti & musuq

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in xabsiga dhexe ee Burco loo taxaabay ku dhowaad toban masuul oo xilal kala duwan ka hayay Dawladda Hoose ee magaalada, kuwaas oo lagu eedeeyay lunsi hantiyadeed.

Masuuliyiinta la xiray waxaa ka mid ah Xoghayihii Fulinta Dawladda Hoose (DH) ee Burco, Amiin Cabdullaahi Yaasiin; Xisaabiyihii DH Cabdullaahi Muuse Maxamed, Madaxa Iibka DH, Cabdicasiis Jaamac Ismaaciil iyo dhowr masuul oo ka tirsanaa waaxda jaangoynta dhulka ee Joomitiriga.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay timid kaddib baaritaan lagu sameeyay musuq-maasuq la tuhunsan yahay oo ka dhacay Dawladda Hoose ee Burco, gaar ahaan dhinacyada maaliyadda, iibka, iyo jaangoynta dhulka.

Xafiiska Hantidhawrka Somaliland ayaa caddeeyay in dhammaan eedeysanayaashan ay wajahayaan sharciga, isla markaana baaritaanku uu sii socon doono si loo xaqiijiyo isla xisaabtan buuxa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed