Axmed Madoobe oo Muqdisho ka degay

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa hadda soo degay magaalada Muqdisho iyada oo garoonka ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa markii uu soo caga-dhigtay gacan qaaday masuuliyiinta soo dhaweysay oo isagu jirtay golayaasha labada aqalka iyo kuwa xilal horay soo qabtay.

Imaashiyihiisa wuxuu ku soo aadaa iyada oo la filayo in ay kulan ka fool ka fool ah dhexmaro madaxda Dowladda Feraalka ah iyo xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo arimaha la isku khilaafsan yahay, sida Doorashada soo aadan nuuca ay noqonayso in laga wadahadlo iyo wax ka bedelka dastuurk KMG ah.

Goor hore oo maanta Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu u soo baqoolay Muqdisho, isaga oo ka qeyb gali doona shirka Mucaaradka iyo dowladda dhexe ku kulmi doonaan.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed