Alshabaab oo qiratay in laga dilay xubin sare

Kooxda Alshabaab ayaa qiratay in duqeyn cirka ah oo horaantii todobaadkan ah lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa hoggaankeeda, kadib markii ay bayaan soo saartay ku sheegtay in Sheekh Maxamad Abu Usaama lagu dilay duqeyn ka dhacday bannaanka magaalada Saakow 8-dii Febraayo.

Abu Usaama ayaa la sheegay inuu ahaa madaxa waxay ugu yeeraan guddiga gurmadka abaarta ee kooxda, isla markaana ka mid ahaa mas’uuliyiinta muhiimka ah ee Alshabaab. Waxay sheegtay in duqeynta lagu dilay ay gaysteen diyaaradaha Maraykanka.

Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay ka fulisay magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Alshabaab, balse ma aanay bixin faahfaahin magaca qofka la bartilmaameedsaday.

Dowadda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay fulisay howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday xubno sar-sare oo ka mid ahaa kooxda Alshabaab oo ay muhiimsanaayeen kuwa qaraxyada, dhaqaalaha iyo tababarada uuna ugu dambeeyeen Horjooge Cabdullaahi Xasan 23-kii Janaayo lagu dilay iyo Axmed Dhubad Xidig oo shan maalin kadib isna beegsi NISA ku xaqiijisay in lagu dilay Koonfurta dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed