War degdeg ah: Dagaal culus oo Ciidamada Danab iyo Alshabaab hadda ku dhexmaray Jamaame

Faahfaahino hordhac ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan ayaa haatan ka socda degaanka Maanbile oo ka dhaca jiinka Webiga Jubba dhexe, kana tirsan degmada Jamaame, kadib markii ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab.

Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya ciidanka kumaandooska Danab iyo guutada Gaashaan oo ka tirsan taliska Nabadsugidda Jubbaland, kuwaas oo maanta u galay sida la sheegay godad iyo difaacyo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Maanbile.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dhimashada iyo dhaawacyada labada dhinac.

Dagaalka ayaa weli socda, waxaana la sheegay in ciidanka Jubbaland ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in ay si buuxda ula wareegaan fariisinka ay Alshabaab ku lahaayeen duleedka Jamaame. Mas’uuliyiinta ammaanka weli kama bixin faahfaahin dheeraad ah.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed