Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray doodda ku aadan cutub ka mid ah qodobada wax laga bedelayo ee Dastuurka KMG ah

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo ahaa kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana ku wehlinayay ku xigeenada 2-aad ee Golaha Shacabka & Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa sii amba qaaday ka doodista Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, gaar ahaan wax ka beddel kooban oo la xiriira qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad. Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay qodobadan, ugu dambeyntiina si rasmi ah u soo gabagabeeyay doodda Cutubka 4-aad.

Dhanka kale, mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay ka doodista qodobada Cutubka 5-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, taas oo qeyb ka ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka dalka.

Xildhibaannadii laga ganaaxay soo xaadirista fadhiyada wadajir ee Baarlamaanka ayaan xaadirin fadhiga maanta kuwaasi oo magaalada Muqdisho xalay uga dhawaaqay inay la baxeen Xildhibaanada Baarlamaanka waxay ugu yeereen xorta ah, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda in wax laga badelo Dastuurka KMG ah iyagoo Guddoonka Baarlamaanka uga digay sii socoshada qorshayaasha isbadalka loogu sameenayo qodobada ku yaala Dastuurka oo ay sheegeen inay yihiin kuwa u baahan in heshiis iyo aragti wadajir ah go’aan isbadal looga gaari karo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed