Ra’isalwasaare Xamsa & Wasiir ka socda dawlada Jarmalka oo ka wadahadlay dagaalka Al Shabaab & arrimo kale

Kulan maanta ku dhexmaray magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha Jarmalka Niels Annen oo wehliyo Safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya Sebastian Groth, ayaa la sheegay in si qotodheer uga wada hadleen danaha ka dhaxeeya labada dal iyo qodobo kale.

Xafiiska warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Xamsa uga warbixiyo masuuliyiinta Jarmalka xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee jirta, guula laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, dhaqaajinta doorashooyinka tooska ah, dhammaystirka dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.

Dhankiisa Niels Annen, ayaa la sheegay inuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ka dhaxeeya ee Soomaaliya iyo Jarmalka, iyada oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar aha gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed