Maxay Somaliland ku bixisay aqoonsigi Israa’iil ay ka heshay?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Sky News laantiisa Af-Carabiga kaga hadlay arrimo la xiriira aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil, iyo doodaha ka dhashay waxa la sheegay in Somaliland ku bixisay aqoonsigaas.

Madaxweyne Cirro ayaa si cad u beeniyey wararka sheegaya in heshiiska aqoonsiga Israa’iil uu salka ku hayo in Falastiiniyiin lagu dejinayo Somaliland, isagoo xusay in arrintaas aan marnaba laga wada hadlin. “lama soo hadal qaadin, lama soo jeedin, lagamana hadlin, waxna kama jiro” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay taageersan tahay hindisaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump ee la xiriira Qasa, isaga oo xusay in ay aaminsan yihiin wada noolaanshaha quruumaha iyo in nabaddu tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo xasillooni waarta.

Madaxweyne Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay rumaysan tahay in xal kasta oo waara uu ku saleysnaado wada-hadal nabadeed, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dhammaan shucuubta ku lugta leh arrimaha Bariga Dhexe.

Su’aalaha la weydiiyay waxaa kale oo kamid ahaa rajadooda ama filashadooda in dalal kale aqoonsadaan Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa ku jawaabay :“Waa filashadeena in dowlado kale aqoonsan doonaan Somaliland, ha ahaadeena dowladaha Carabta, islaamka ama dalalka Afrika, Latin Ameerika ama Asia”.

Madaxweyne Cirro ayaa intaa ku daray inuu warqad u qoray hogaamiyeyaasha 193 dal, 17-kii May sanadkii 2025-kii, balse ay Israa’iil keliya ka soo jawaabtay codsigaas. “Waxaan filayaa jawaabo kale mustaqbalka” ayuu intaas raaciyay, isaga oo hadalkiisa ku sii daray “Tiro yar oo dalal ah ayaa ka hor yimid aqoonsiga Somaliland, kuwana way ka aamuseen, marka waxaan ka fileynaa xitaa kuwii naga hor yimid ay dib u eegaan diidmadooda”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed