Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay hadallo ay sheegtay in loo nisbeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, kuwaas oo laga sii daayay telefishinka Aljazeera, ayna yihiin kuwa aan jirin.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa si adag loogu cambaareeyay hadalladaasi, iyadoo wasaaraddu caddeysay in eedeymaha la faafiyay aanay wax sal iyo raad ah toona lahayn.
Wasaaraddu waxay warka beeninta ah u soo qaadatay sawirka wasiiru dowladaha arimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad, oo lagu dul qoray “War been ah” waxaana la tilmaamay aanu jirin hadalkaasi uu siiyey Telefishinka Aljazera.
Hadalka wasiir Cali Balcad ee la beeniyey ayaa u dhignaa “Israel waxay ku dadaaleysaa in ay dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza ku qasbto in ay u guuraan dhulka Soomaaliya, aduunka ayaana looga baahan yahay in uu joojiyo qorshaha Tel Aviv”.
Somaliland ayaa ugu baaqday warbaahinta caalamiga ah sida ay hadalka u dhigtay inay ka feejignaadaan faafinta xog aan la hubin, isla markaana ku tiirsanaadaan ilo xogeed sugan oo lagu kalsoonaan karo.
HBN ONLINE TV

