DFS oo si kulul uga hadashay joogitaanka shirkada Imaaraadka ee dalka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay difaaca midnimada iyo dhulka dalka, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.

Cali Balcad oo wareysi siiyay Teleefishinka Aljazeera ayaa xusay in DFS ay xoojisay iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalal saaxiib ah si looga hortago faragelinta shisheeye oo ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ka go’an in ay difaacato midnimadeeda & dhulkeeda, dabcan ma aqbalayno in Israa’iil ay usoo rarto Dadka Gaza si qasab, waxa aan qaadnay tallaabooyin diblumaasi innaga oo iskaashi la samaynay Turkiga, Sacuudiga, Masar & Dalal kale” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Isagoo ka hadlayay mar wax laga waydiiyey heshiisyada ay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraatka Carabta kula wareegtay dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, ayuu Cali Balcad sheegay in heshiisyadaasi yihiin kuwo sharci darro ah, isla markaana aanay ansax ahayn.

“Dekedaha Berbera, Boosaaso & Kismaayo. Saddexdaas heshiisyada ay la galeen Shirkadda Imaaraatka waa sharci darro isla markaana ma ahan kuwo ansaxaya, dabcan heshiisyadaan laguma gelin fasax laga qaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, saddexaad dedkedood waa hanti Soomaaliyeed oo la dhisay 1960-meeyadii & 1970-meeyadii, sidaas darteed Shacabka Soomaaliyeed waxaa heshiisyo ku saabsan Khayraatkooda oo lala galo Waddan Shisheeye ku matalaysa Dowladda Dhexe” ayuu sii raaciyey Wasiir Cali.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in heshiis kasta oo la xiriira kheyraadka dalka ay matali karto oo keliya Dowladda Dhexe, maadaama ay tahay hay’adda kaliya ee sharciyan u taagan metelaadda shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Cali Balcad ayaa sheegay in DFS ay arrintan u gudbin doonto khubaro dhinaca sharciga ah si loo caddeeyo xaaladda sharciyeed ee heshiisyadaasi, haddii shirkadaha Imaaraatku ay keenaan doodo sharciyeed, isaga oo yiri “Arrintaan waxaan u gudbin doonnaa khubaro dhinaca sharciga ah si ay noogu caddeeyaan xaaladdeeda sharciyeed,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay dadaallada lagu xoojinayo difaaca dalka, kaddib markii Israa’iil ay 26-kii December 2025 si toos ah u faragelisay midnimada Soomaaliya, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ku dhawaaqay aqoonsiga Maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed