Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Sii hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Justin Davis, kadib wadahadal ka dhacay xarunta safaaradda ee Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dagaalka Alshabaab, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa doorka saaxiibada caalamiga ah ay ka qaataan howlgalladaasi.
Xamsa ayaa Dowladda Mareykanka uga mahadceliyay sida ay kaalin uga qaataan arrimaha binu’aadanimada iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.
“Waxaan booqasho ku tagay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, halkaas oo aan is-weydaarsanay aragtiyo aniga iyo siihayaha safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Justin E. Davis, anagoo ka wada hadlay arrimo istiraatiiji ah oo dan guud u ah Soomaaliya iyo Mareykanka. Soomaaliya waxay qiimeyn gaar ah u haysaa doorka muhiimka ah ee Mareykanku ka qaato horumarinta amniga, koboca dhaqaalaha, iyo iskaashiga bani’aadantinimo, waxayna rajaynaysaa in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyadan mudnaanta leh si loo horumariyo xiriir miro-dhal ah oo faa’iido u leh labada dal” ayuu ku yiri boggiisa X Ra’iisal Wasaare Xamsa.
Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyey guulaha ay gaartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dadweynaha. Wuxuu xusay in ay siid wadi doonaan taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantinimo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay.
Danjire Justin ayaa ku adkeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageera dagaalka Alshabaab, gaar ahaan arrimaha amniga iyo duqeymaha lagu beegsado xubnaha iyo goobaha istiraatiijiyadeed ee kooxda.
HBN ONLINE TV

